Real Madrid Oo Isha Ku Heyso Xaalada Goolhaye Victor Valdes Oo Man United Ku Dhex Dhumay!

0
311

 

Qaar ka mid ah saxaafada dalka Ingiriiska ayaa qortay in goolhayaha reer Spain Victor Valdes uu dib ugu laaban doono La Ligaha kadib markii uu dalab ka helay naadiga Real Madrid.

Real Madrid goolhaye ayay suuqa Yurub ka baadi goobeysaa madaama Iker Casillas ay xagaagan iska fasixi doonto sidaa darteed xaalada Valdes ayay il gaar ah ku heysaa madaama uu xidigan ku dhibaateesan yahay gudaha garoonka Old Trafford.

Valdes haatan uma cayaao Man United sidaa darteed waxaa la sadaalinaa inuusan dalabka Real Madrid iska diidi doonin inkastoo uu sanado badan naadiga Barcelona ka tirsanaa.

33-jirkan bilawgii sanadkan ayuu heshiis u saxiixay Man United asigoo ku sugnaan doono Old Trafford ila bartamaha sanadka dambe balse laacibkan go’aankiisa wuu badali doonaa marba hadii macalin Van Gaal uusan kalsooni ka heesanin.

Valdes ayaa mudo dheer garoomada dhaawac kaga maqnaa sidoo kalena xagaagii hore naadiga Monaco ayaa iska diiday inay heshiis la gaartay madaama dhaawac dhanka jilibka ah soo gaaray balse haatan waa laacib caafimaad qabo oo markale tartamada kasoo muuqan karo.

Valdes