R/W Cumar: “Waxaa Noo Qorsheyneysan Dhismaha Maamul U Sameynta Gobollada Hiiraan Iyo Sh/dhexe,

0
223

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay dadaal ugu jirto dhismaha Maamul ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo la filayo in dhowaan la bilaabo howlaha maamul u sameynta Gobolladaas.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa sheegay in marka ay xaqiijiyaan, kana mira dhaliyaan shirka Cadaado ee maamulka loogu sameynayo Gobollada Mudug iyo Galgaduud, la guda geli doono arrinta maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda ay ahmiyadda koowaad ay siineyso xoojinta Amniga, isagoo ka codsaday shacabka inay la shaqeeyaan Xukuumaddiisa.

Hadalkan ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ay socdeen kulamo wada tashi ah, kaasoo laga yeelanayay arrimaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe

lamana ooga sidda uu ku dhaqan galli doono hadalka raisul wasaraha madamada magalada beledweeyne uu dhawaan ka furmi doono shir looga hadlaayo ayaaha iyo mustaqbalka gobalka hiiraan iyadoona la qorsheynaayo in mamuul goboleyd loogu sameeynaayo g/boladda hiiraan iyo sh/sare,