Saddex Haween ah oo lagu dilay Magalada Baydhabo

0
499

Koox Hubeeysan ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku Toogtay Saddex Haween ah oo kamid ahaa Dadka Degan Xaafada Toowfiiq  Ee Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Saddexda Haweenka ah Kooxda Hubeeysan ay la dhaceen Rasaas aad u badan lamana oga Ujeedka Haweenkaan loo dilay.

Xaawo Cali oo kamid ah Haweenka Magaalada baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegtay in ay ka xun yihiin Dilka loo geeystay Haweenkaas aan waxba galabsan,waxaana ay Ciidamada Amaanka ka Codsatay in ay Gacanta ku soo dhigaan Dadkii Falkaasi ka danbeeyay.