(SAWIRO) Meydadka Raggi weerarka ku qaday jaamacadda Garisa oo la Soo Bandhigay.

0
423
Waxaa shalay Magaalada Garissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya lagu soo bandhigay meydadka afar nin, oo la sheegay inay ka dambeeyen weerarka Jaamacadda Magaalada Garissa.

Baabuur dusha ka feedan oo la soo saaray meydadkasi, ayaa waxaa lagu soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee xaafadaha Magaalada Garissa, iyadoo aynaan dadka deegaanka aqoonsan.
Sidoo kale meydadka waxaa lagu soo bandhigay Garoonka Kubadda Cagta ee Garissa Primary, halkaasoo ay isugu soo baxeen boqolaal ka mid ah bulshada ku nool Magaalada Garissa.
Bulshada reer Garissa, ayaa wada qiray inaanay wax aqoon ah u lahayn raggaasi, sidoo kalana waxay sheegeen inaanay afartaasi nin ahayn Soomaali, oo qowmiyado kale yihiin.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, ayaa waxay sheegtay inay qaaday dheecaanka iyo xubno ka mid ah jirka raggaasi, si baaritaano loogu sameeyo, looguna xaqiijiyo cidda ay yihiin.