(SAWIRO) Sanad Guuradii labad ee Radio Hiiraanweyn oo lagu qabtay Baledweyne.

2
663

Munaasabada si heer sare ah loo soo agaasiimay islamarkan loogu dabal dagayay sanad guuradii labad ee  Radio Hiiraanweyn ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan.

Munaasabada ayaa wax ka qeyb galay Maamulka Gobolka Hiiraan kan degmada Baladweyne  Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka Somaaliya mamulka Radio hiiraanweyn shaqaalaha  aqoonyahano  qurbo joog odayaal waxgarad  haween  ururka dhalinyarada gobolka hiiraan  bahda Saxaafada gobolka iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha  warbaahinta Radio Hiiraanweyn Maxamed Cismaan Makaran oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in mudadi labada Sano ee ay jirta warbaahinta Hiiraanweyn aya wax badan ka qabtay horumarinta  Bulshada  ka qeyb qaadashada mashaariicda ka Socota magalada Baladweyne

”’Idaacada hiiraanweyn wax badan ayay qabatay mudii ay jira wax ka mid ah  ka qeyb qaadashada horumarinta  adeegyada bulshada sida idaacada oo qabatay tartan  aqooneed bishii ramadaan iyo saddex iyo toban mashaariic oo ka socota  magaalada Baladeweyne oo idaacada ay ka qab qatay”ayuu yiri Gudoomiyaha Warbaahinta Hiiraanweyn Maxamed Cismaan Makaran.

Sido kale  Gudoomiyaha warbaahinta Hiiraanweyn Maxamed Cismaan Makaran ayaa sheegay in ay wadan qorsha la doonayo in degmooyinka gobolka hiiraan laga furo idaacada hiiraanweyn. maadaama  hada ay  ka furan tahay magalada Baladweyne oo kaliya.

Xildhibaan daahir Xasan cabdi oo ka mid ah  dadkii ka qeyb galay munaasabada loogu  dabaal dagayo sanad Guuraadii labaad ee ka soo wareegatay markii la Aas Aasay Radio Hiiraanweyn  aya hamblayo u diray dhamaan maamulka iyo shaqaalaha idaacada Hiiraan isago sheegay in Radio Hiiraanweyn ay tahay mid kaliya ee  ka qeyb qaadata horumarinta  bulshada ku nool gobolka hiiraan.

Idacada  hiiraanweyn   magaalada Baladweyne  aya maanta u dabal dagtay sanad guuradii labaad ee  ka soo wareegtay markii la Aas Aasay sanndkii 2013 iyadoo sanndka  2016 la rajeynayo in Guud  ahaan degmooyinka Gobolka hiiraan laga furo Radio Hiiraanweyn.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Maxamed Cabdi Saney.

Radio Hiiraanweyn.Baledweyne

Comments are closed.