Shacabka Kenya oo Magalada Nairobi maanta Socod ku maraya Kadib Markii ,,,

0
341

Maanta waxaa socod dheer magaalada Nairobi ku maraya shacab badan oo ay ku jiraan dadkii ay ilmahoodi ku dhinteen weerarkii Jaamacada Garisa.

Dad badan oo shumacyo wata ayaa la filayaa saacadaha soo aadan in ay socod dheer ah ku maraan Magaalada Nairobi waxa ay muujinayaan sida ay weerarkaasi uga xun yihiin iyo sida ay uga soo horjeedan weerarada Al-shabaab.

Sidoo kale dadkii ku dhintay weerarka Garisa ayaa manta lagu aasaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya,ku dhawaad 148-qof ayaa lagu dilay weraarkii Garisa ka dhacay maalintii Khamista.