Sheeko Xiiso Badan Mudo 16-Bilood Ama (499-Maalmood) Kadib Ayay Man United Si Rasmi Ah Uga Sara Martay Kooxda Ay Xifaaltamaan Man City!!

0
281

 

Todobaadkan markii ay soo gaba gaboobeen kulamada 31-aad ee horyaalka England arin aan caadi ahayn ayaa soo ifbaxay kaasi oo ku saabsan labada koox ee magaalada Manchester ka wada dhisay.

Man United haatan hal dhibica ayay ka sareysaa Man City waana markii ugu horeesay mudo 16-bilood kadib ama 499-maalmood kadib ay United ka sara marto dhanka hogaanka EPL Man City!

Waa markii ugu horeesay tan iyo November 23, 2013 oo ay Ma United ka sareyso Man City ayagoo labadan naadi cayaareen kulamo isku mid ah Premiership-ka England.

Man United todobaadkan kulankeedii 2-1 ayay kaga badisay Aston Villa halka Man City iyadana guuldaro 2-1 ay si lama filaan ah kala kulantay kooxda Crystal Palace.

Xili cayaareedkii 2013/14 ayay ahayd markii United ay ka sare martay Man City waxayna markaas United laheyd 20-dhibcood ayadoo cayaartay 11-kulan halka Man City ay laheyd 19-dhibcood ayadoo cayaartay isla 11-kulan.

Sidaa darteed axada nagu soo fool leh ayay garoonka Old Trafford labadan naadi ku wada cayaari doonaan waxayna is haleeli doonaan markan oo ManUnited maqaam sareyso waxayna United leedahay 62-dhibcood halka Man City ay leedahay 61-dhibcood waxayna cayaareen min 31-kulan.

Man United