Shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud oo dib u dhacay Kadib Markii ,,

0
304

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa maanta sheegay inuu dib u dhac ku yimid shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud oo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

Cirfo oo u warramay  ayaa sheegay in dib u dhaca uu yimid kadib markii sidii la rabay uusan u dhicin diyaar garowga shirka iyo in masuuliyiinta dowladda iyo kuwa beesha caalamka ay gaaraan magaalada Cadaado.

Wuxuu tilmaamay in Talaadada soo socot uu shirka furmi doono, iyadoo guddiga farsamada ay maanta gaareen degmada Cadaado.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ciidanka dowladda federaalka ah oo kaashanaya kuwa AMISOM ay sugi doonaan amniga magaalada Cadaado inta uu socdo shirka maamul u sameynta labada gobol.