Soomaalida Kunool Dalka Kenya Oo Codsatay In Dib Loofuro Xawaladaha Xiran

0
264

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa cabasho ballaaran ka muujiyay xayiraadda dowladda Kenya kusoo rogtay qaar ka mid ah xawaaladaha Soomaalida qaarkood.

Shacabkaan oo u waramay Warbaahinta  ayaa sheegay in caqabad weyn ay ku tahay tani dadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale bulshada isticmaasha xawaaladaha.

Waxa ay tilmaameen in dad badan ay ku noolyihiin Kenya, sida dad halkaasi u jooga caafimaad, waxbarasho, iyo dad kale oo nolol ahaan meesha ku nool.

Dadka qaar ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay degdeg go’aankaasi dib uga fiirsato, xitaa ka dowlad ahaan ay dan ku qabtay, maadaama qarashka dalkeeda lagu isticmaalayay.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan xayiraad kusoo rogtay 86 Xisaabaad oo ay leeyihiin shaqsiyaad iyo xawaalado Soomaaliyeed, taasi oo saameyn badan ku yeelatay shacab ku sugan dalkaasi.