Thomas Muller Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sida Ay Caawo Bayern Kaga Adkaan Karto FC Porto

0
277

 

Kooxda Bayern Munich caawo waxay dooneysaa inay dib usoo celiso rajadeeda koobka horyaalada Yurub ee ceelka ku dhacday.

Bayern todobaadkii hore guuldaro 3-1 waxay kala kulantay naadiga FC Porto wareega 8-aad ee Champion-ka lugiisa kowaad.

 

Hadaba Bayern waxay caawo garoonka Allianz Arena ku qaabili doontaa naadiga Porto kulan laga rabo Bayern inay labo gool oo nadiif ah ku badiso si ay nus dhumaadka tartanka Yurub ugu gudubto.

Hadaba rajada Bayern leedahay caawo waxaa ka hadlay Thomas Muller wuxuuna yiri “Waan si taxadir ku dheehan u cayaarnaa sidoo kalena aan dul qaad muujino”

“Hadii aan kubad waali ah cayaarno waa hubaal in Porto ay markale naga heli doonto fursad ayay gool nooga dhalin karto”

“Waan ku kalsoonahay in kooxdeena ay caawo bandhig wanaagsan samey karto madaama aan garoonkeena ku cayaareyno sidoo kalena waxaan diyaar u nahay inaan dib u saxno qaladaadkii aan galnay”

Bayern kadib guuldaradii ay kala kulantay naadiga FC Porto kulankeedii ugu dambeeyay Bundesligaha Jarmalka waxay 2-0 kaga badisay naadiga Hoffienham haatana niyad ahaan xidigaha Pep Guardiola wey isku kalsoon yihiin inkastoo FC Porto ay tahay naadi aad u dhib badan.

Muller