Uganda oo xiray seddex ruux oo lala xiriiray iney ka tirsan yihiin Al-shabaab

0
310
Booliska dalka Uganda ayaa shalay oo Tallaado aheyd xiray seddex ruux oo lala xiriirinayo dilka bishii lasoo dhaafay loo geystay qaadi ka tirsaneyd garsoorka magaalada Kampala ee dalka Uganda oo watay dacwad loo heystay 13 ruux oo Alshabaab ah.

Dadka laga shakiyay oo ay qabteen ciidamada dowlada Uganda ayaa mid kamid ah ku noolaa meel duleedka ka ah magaalada kampala halkaasi oo lagu toogtay Joan Kagezi todobaadyo ka hor.
Taliyaha ciidamada booliska dalka Ugane Kale Kayihura ayaa saxaafada u sheegay in labadaasi ruux ay gacanta ku dhigeen ciidamada amaanka.
“Waxaan helnay warbixino ku saabsan in dadka laga shakiyay ay ku sugan yihiin meelo kamid ah kampala iyaga oo doonaya iney baxsadaan, laakiin ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay seddexda ruux”ayuu yiri taliyaha booliska Uganda.
Booliska dalka Uganda ayaa aaminsan in Ms Kagezi ay dileen Alshabaab iyada oo laga eegayo dacwadaha ay ku jirtay oo ku saabsanaa 13 ruux oo Alshabaab looga shakisanaa.
Dhamaadkii bishii Lasoo dhaafay ayaa haweeneydaasi lagu toogtay meel aan ka fogeyn gurigeeda kadib markii ay kasoo degtay gaarigeeda, waxaana kooxaha markii ay toogteen kadib ay ku baxsadeen mooto ay wateen.