Waa Kuma Xidiga Uu Mar Walba Ku Daydo Da’yuarka Paris Saint Germain Lucas Moura?

0
289

 

Xidiga da’da yar ee kooxda Paris Saint Germain Lucas Moura ayaa ka dhawaajiyay in Lionel Messi uu yahay xidiga uu mar walba ku daydo dhanka kubada cagta.

22-jirkaan heerka caalami ayaa kasoo guuray Brazil, January 2013 isagoo ku biiray kooxda Paris Saint Germain, sidoo kalana wuxuu noqday mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda Laurent Blanc xagaagan.

Inkastoo waqtigiisii ugu horeeyay kooxda la dhaleeceeyay hadana xiligaan wuxuu marayaa heer sare madama uu xagaagan dhaliyay 8-gool.

Ka hor kulanka PSG ay wajaheyso Barcelona, lugta hore wareega Quater Finalka tartanka horyaalada yurub ayaa la weydiiyay xidiga uu ku daydo wuxuuna ku jawaabay:

“Mar walba waa midka aan ku daydo” Ayuu Lucas u sheegay AS.

“Mararka qaar waxaa timaada inaan ka hor imaado, balse waa xidiga ugu fiican dunida”

Sidoo kale Lucas Moura ayaa qiray iney adag tahay in laga hortago Messi, wuxuuna sidoo kale amaanay Neymar oo ay isku dhalasho yahiin.

Lucas