Wafdi Uu Hogaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Garowe

0
215

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Garowe, iyadoo Madaxweynuhu halkaas uga qeyb geli doono shir looga hadlayo Hiigsiga sanadka 2016.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Garowe Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne kuxigeenkiisa, Wasiiro, qeybaha bulshada iyo mas’uuliyiin.

Madaxweynaha ayaa waxaa loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Garowe, halkaasoo wada hadalo uu kula qaadan doono Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Ammaanka magaalada Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana saaka wadooyinka lagu daadiyay ciidamo fara badan oo amniga sugayay.

Maalinta berri ayaa la filayaa in magaalada Garowe uu ka furmo shirka looga hadlayo arrimaha Hiigsiga sanadka, waxaana ka qeyb geli doono madaxda Maamul goboleedyada.

Waa markii labaad oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh tago Garowe, iyadoo sanadkii 2013 ay aheyd markii u horeysay ee uu tagay, xilligaasoo uu Madaxweyne uu ahaa C/raxmaan Faroole.