Wasaarada Amniga Qaranka Oo Shegtay Iney Wado Qorshe Lagula Dagaalamaya Al.Shabaab

0
269

Wasiirka Wasaarada Amiga qaranka Gudaha ee Xukumadda Soomaalia Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo ka halayay Weerarada Al-shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaarada Amniga ay Qorshe  ku aadan la Dagaalanka Al-shabaab ugudbisay Golaha Wasirada Soomaaliya Islamarkaana Golaha loo qeybiyay qaraarkaasi.

C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga Gudaha ayaa intaa ku daray in Sharcigaasi uu yahay mid lagula Dagaalamayo Al-shabaab,kaas oo Golaha Wasiirada ay gacanta ku hayaan,waxaana uu rajo ka muujiyay Ansixinta Sharcigaasi.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Xukumadda Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Askartii ku waxyeelowday Weeraradii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Maka Al-mukarama iyo Wasaarada Hidaha iyo Tahliinta Sare la siin doono Xaquuqdii ay ku lahaayeen Dowladda Soomaaliya.

Hadalkaan Wasiirka Amniga ayaa ku soo Begmaya iyadoo Ururka Al-shabaab ay Weeraro is xig xiga oo ah kuwo Qorsheysan ay ku qaadeen Xaruumo muhiim ah oo Muqdisho kuyaalla.