Wasiir Odawaa” Oo Mudo Bil ah Gudahooda Ku kala hadlay Warar Isdiidan

0
403

Wasiirka arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo maanata ka hadalay arimaha Doorashada Soomaaliya la filayo inay ka dhacdo ayaa sheegay in sanadka 2016 ay doorasho ka qabsoomi doonto dalka balse qaabka ay u dheceyso laga sugayo Gudiga Doorashooyinka.

Sidoo kale Wasiirka arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya iyo Wasiiru Dowolaha Wasaradaasi C/rashiid Xidig ayaa maanta Saxaafada usoo bandhigay Araajida  400-qof oo soo codsaday Gudiga Xuduudaha iyo Gudiga Doorashooyinka.

Wasaarada ayaa sidoo kale soo bandhigtay gudi ka kooban 7-qof kuwaasoo loogu talagalay inay kala saran dadka soo codsaday labadaaas Gudi,balse Saxaafada waxaa loo diiday inay shaaciyaan  Xubnahaasi 7-da qof ah iyo muuqalakooda, waxayna Wasaaradu u sababeysay in laga fogaanayo muqmaasuq.

Dhawaan ayey aheyd markii wasiiraka arimaha gudaha iyo federaalka u shegay in dalka aysan doorasha ka dhici karin taas oo an la ogeyn sababta u u shaaciyay wasiir odawaa

Dad badan ayaa isweydiinayo waxa  sababta keentay hadala kala duwan oo ka sobaxaayo wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka

wasiir-odawaa