Wasiir Odawaa Oo Shegay In Dowlada Soomaaliya Aysan Kahadli Karin Cida Usharaxan Madaxweynaha Maamulka G,dhaxe

0
262

Wasiirka arimaha gudaha soomaaliya ayaa  rejo wanaagsan ka muujiyay miro dhalka shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada cadaado.

Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo lahadlayay mid kamd ah idacaha muqdisho ayaa tilmaamay in arintaan maamul u sameynta gobolada dhexe oo waqti qaadatay hada la is fahmay isla markaana odoyaasha siyaasiyiinta iyo dhamaan shacabka gobolada Mudug Iyo Galgaduud ay u bisilyihiin dhisida maamul mideeya goboladaas xudunta u ah Soomaaliya.

Mar la weydiiyay wasiirka dadka weli dhaliilaha qaba iyo sida loo qancinayo  ayuu sheegay in aritaas inta badan xal laga gaaray maalmihii lasoo dhaafay hadii dad kale oo wax tirsanayana ay jiraan ay xalin doonaan

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin cid dowladdu ay si gaar ah u daneyneyso iney madax ka noqoto goboladaas, balse qof kastaa oo ka soojeeda Labada gobol uu xaq u leeyahay in uu tartan u galo doorashada

Waxa uu wasiir Odowaa uu dhinaca kale sheegay in dadka ka maqan shirka ay maalmaha soo aadan imaan doonaan, dowladuna kaalinteeda uu yahay oo kaliya la socoshada shirkaan, balse Odayaasha shirsan ay xaq u leeyihiin aayaha gobaladaasi dadkii matali lahaa in ay keenaan.