Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia Oo Shaaciyay Xiliga Uu Furmayo Shirka G/bolada Dhaxe,

0
282

Wasiirka arrimaha gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa maanta shaaciyay xilliga uu furmanayo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe,
Odawaa ayaa sheegay in shirka uu furmi doono maalinta Arbacada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 15-ka bishan Abriil, kaddib markii uu shirkan dib u dhac ku yimid Sabtidii lasoo dhaafay oo lagu waday inuu furmo.
Lama oga illaa hadda in maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Odawaa ay ku heshiiyeen xilliga uu furayo shirka Cadaado iyo in kale, balse tan iyo shalay ayaa wasiirku wuxuu kulammo kala duwan la lahaa xubnaha maamulkaan.
Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu u ambabaxo degmada Cadaado ee gobolka Galgudud si uu furo shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, shirka Cadaado ayaa dib u dhiciisii Sabtidii ku yimid kaddib markii mas’uuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb ay sheegeen inaysan ku qanacsanayn hadalkii madaxweynuhu uu toddobaadkii hore ka jeediyay degmada Dhuuso mareeb ee ahaa in caasimadda maamulku ay degmadaas noqonayso arintaas oo aay sii weeyn uga dhidhiyeeyn,