Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Oo Garoonka Aadan Cade Ku Sii sagootisay dhaqaatiir Hoowlo Faafimaad ka fuliyay Qeeybo Kamid Ah Dalka

0
277

Dhaqaatiirtan oo ka koobnaa 10 dhaqtar oo ka kala socotay Qaar kamid ah Dalalka Afrika ayaa Qaliimo kala duwan ku sameeyay 40 Qof oo qabay dhaawacyo Burburka lafaha u badan kuwaas oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay dalbatay in gudaha dalka lagu baxnaanayo si adeegga caafimaad ay gudaha dalka uga faa’ideystaan Bulsho badan oo dhaawacyo Qaba.

Wasiirka Caafimaadka Xukumadda Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo Garoonka Diyaaradara Aadan Cadde ku sagootisay Guddomiyaha Ururka Dhaqatiirtaan Ayaa Sheegtay in Dhaqaatiirtan ay ahaayeen kuwa Dhameystiran oo isa soo qabanqaabiyay islamarkaana dalka howlo caafimaad u joogay Kow iyo Toban Maalmood.

“Wafdigaan Wuxuu Ahaa dhaqaatiir 10 qof ka kooban oo ka kala yimid qaar kamid ah wadamada Africa oo loogu talagalay in ay caawiyaan wadamada Afrikaanka een markii wadanka dhibaatooyin badan ka dheceen waxaa aragnay in dhaqaatiirta qaarkood xirfadaha ay u baahanyihiin aysan ka heli Karin waddanka”

Marwo Xawa Xasan Ayaa hadlkeeda intaa ku Dartay in dhaqaatiran ay aheeyn kuwii ugu Horreyay goor dhawna ay Qorsheynayaan in dalka ay soo gaaran Dhaqaatiir kale oo Qaliin iyo Daweyn ka fuliya Dalka.

Kuwaan waa kuwii kobaad ee hada yimid waxaan isku dayeynaa  in aan kuwa kale ka keeno wadama kale marka waxaan rajeyneynaa in baahida daryeelka caafimad loo qabo wadanka dhan in aan buuxin karno marka uu barnaamishkan inoo hirgalo

dr mashed onguti guddomiyaha Dhaqaatiirtaas ayaa xusay in ay ku guuleysteen Howlihii Caafimaad ee Soomaaliya ay u yimideen, Markalana ay ku soo laaban doonaan soomaaliya si ay u caawiyaan dadka soomaaliyeed.

marka hore waad mahadsan tahay anigoo ka faaideysa naayo fursadan qaaliga ah waxaan u mahad celinaya dowlada soomaliya iyo wasiirka wasaarada caafimadka oo fursad inoo siiyay in aan la kulano dadka bukaano ah anaga muhiima deyna waxey tahay in aan caawino bukaanka African ah