Wasir Hadliye Waan Udiyaar Garoownay Soo Daad Gureynta Qaxootiga Yeman,

0
261

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in dowladdu u diyaar garowday soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee colaadaha ay ku qabsadeen dalka Yemen.

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu Wasiirku sheegay in Xukuumadda Soomaaliya diyaarisay qorshe ku aadan sidii dalka dib loo soo celin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Yemen.

Mr Hadliye ayaa sheegay in la qorsheeyay halkii la dejin lahaa iyo meesha ay u marayaan soo daad-gureyntooda, waxaana uu xusay in loo mari doono dhinaca Badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yemen.

Waxaa uu ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa inay gacan ka geystaan gurmadka loo fidinayo walaalahooda Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka Yemen.

Colaadaha ka jira dalka Yemen ayaa sababay barakac, bur bur iyo kala dambeyn la’aan, iyadoo dowladdo badan ay la baxeen muwaadiniintooda kaga sugnaa dalkaas, waxaana jira dad badan oo ku go’doonsan meelaha ay ka jiraan colaadaha iyo duqeymaha.