Xarakada Al-shabaab ballan-qaaday Weeraro kale oo ay Kenya ku Qaadayaan

0
485

Xarakada Al-shabaab ee Somalia aayaa ku dhawaaqday maanta oo Jimco ah weerarro dheeraad ah oo ay ka geysnayso gudaha dalka Kenya; kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay shalay weerareen Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay ku dileen 147-qof, kaddib 16-saacadood oo ay haysteen dhismaha Jaamacadda.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa hadal uu sii daayay ku sheegay inay weerarro kale oo xanuun badan ka geysan doonaan dalka Kenya.

“Ma jiri doonto meel ammaan ah oo ay ku nabad-geli doonaan shacaabka Kenya, inta ay ciidamada Kenya ku sugan yihiin gudaha Somalia,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo ka hadlayay idaacadda Andulus ee ay Al-shabaab leedahay.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa ka hadlay ciidamada Kenya ee ka howlgala dalka Somalia, kuwaasoo Kenya ay sheegtay inay gudaha Somalia kula dagaalamayaan ururka Al-shabaab.

“Waxaad arki doontaan weerarro kale oo xanuun badan oo dalkiina Kenya ka dhaca,” ayuu hadalkiisa ku yir afhayeenka Xarakadaa Al-shabaab. Isagoo xusay in xoogaggii weeraray Jaamacada Gaarisa ay si gaar ah u toogteen kuwa masiixiyiinta ah.

“Xoogaggeennu waxay markii ay gudaha u galeen dhismaha Jaamacadda ka sii daayeen tiro arday muslimiin ah; waxayna ku toogteen tiro masiixiyiin ah gudaha jaamacadda,” ayuu hadalkiisa ku daray Sh. Cali Dheere.

Sh. Cali dheere wuxuu hadalkiisa ku daray in xoogaggoodu ay ardaydii ay ku qabsadeen dhismaha jaamacadda weydiinayeen su’aalo ah inay akhiryaan aayado Qur’aanka ka mid ah; ruuxii aan akhrinna ay tooganayeen.

Inkastoo afhayeenku uusan sheegin tirada dableyda weerartay dhismaha jaamacadda ayaa haddana dowladda Kenya waxay xustay inay ahaayeen afar qof ayna toogteen ciidamada amniga dalka Kenya.

Weerarka Jaamacadda Gaarisa ayaa waxaa lagu Toogtay 147-qof oo isugu jiray arday iyo ciidamadii Kenya ee goobta weeraray, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen 80-qof oo kale, kuwaasoo qaar ka mid ah dhaawacooda loo qaaday Nairobi.

Ardaydii Jaamacadda ku sugnaa ee ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay weydiiyeen su’aalo la xiriira Qur’aan ayna hortooda ku tooganayeen qofkii akhrin waaya.

Si kasta ha ahaatee, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ay Al-shabaab ka geysato Kenya, marka laga reebo weerarkii Westgate Mall oo dhacay sannadkii 2013-kii, kaasoo lagu dilay 67-qof.