Xukuumada Soomaaliya oo cadeeysay in Al-shabab qorsheenayaan ku biirista Daacish

0
266

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayay soo xiganaysa jariidada ugu afka dheer ee dalka Kuwait ee Al’rayi isagoo sheegaya in hogaamiyaasha Al-shabaab wali ay ka xaajoonayaan in ay go’aan ka gaaraan sidii ay ugu biiri lahaayeen Daacish ama in ay kusii nagaadaan Ururka Al-qaacida,Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray Ra’iisul wasaaruhu in labada dhinac Dacish iyo Al-qaacida ay doonayaan in ay Al-shabaab dhinacooda u jiitaan.

Xiriirka Al-qaacida iyo Al-shabaab ayaan wanaagsaneyn tan iyo markii ay dhacday in xubno dibada uga yimid Xarakada Al-shabaab ay ku dileen deeganada ay maamulaan,waxana taas sii xoojisay in Al-qaacida aysan ka hadal weerarkii cirka ahaa ee lagu dilay Hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab Abu Zuber.

Ra’iisul wasaaraha ayaa cadeeyey in suurta gal ay tahay in xarakada Al-shabaab ugu dambeeyntii ku xoogeystaan saaldhigyada Al-qaacida Jaziirada Carabta.

Wakaalada France Press ayaa su’aal ka waydiisay mas’uu ka tirsan Al-shabaab oo magaciisa diiday in warbaahinta loo adeegso in aysan lama filaan noqon doonin hadii ay ku biiraan kooxda Khilaafada Islaamka ee ka dagaalanta wadamada Suuriya iyo sidoo kale Iraq.

Hadalheenta Al-shabaab in ay kala doorato ku biirista kooxda Daacish ama in ay baaqi ku ahaato Al-qaacida ayaa korartay wixii ka dambeeyey markii ay kooxda Boka Haram ee ka dagaalanta Naajeriya ay kuu biirtay kooxdaasi la magac baxday Khilaafada Islaamiga.