Xukuumadda Iiraan oo Cambaareysay Duqeyntii Sucuudiga ee Gudaha Yemen

0
474

Diyaaradaha dagaalka Sucuudiga ayaa maanta mar kale duqeeyay xoogagga Xuuthiyiinta ah ee ka dagaalamaya Yemen, kuwaasoo kusii siqaya deegaannada ku yaalla Koonfurta dalkaas.

Sucuudiga ayaa duqeynta uu ku qaaday Yemen ku sheegay mid uu ku doonayo in uu ku difaaco dowladda madaxweynaha awoodda yar ee Yemen, C/rabbu Mansuur Haadi, oo haatan baxsad ahaan ku jooga magaalada Cadan.

Beesha Caalamka ayaa si weyn u soo dhaweysay duqeyntan, balse dowladda Iiraan ayaa iyadu si adag uga soo horjeesatay, iyadoo ku tilmaantay duqeymahan Saudi Arabia ay ka geysanayso Yemen kuwo daan-daansi ah.

Mas’uuliyiin u hadlay xukuumadda Iiraan ayaa sheegay in duqeyntan aysan waxba ku soo kordhin doonin deggenaashaha Yemen, balse ay xaaladda uun kasii daryso, iyadoo Iiraan aysan muujin inay tallaabo ka dhan ah duqeynta qaadayso iyo in kale.

Dalalka Jordan, Masar iyo Suudaan ayaa xaqiijiyay inay duqaynta Yemen qayb ka qaateen. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Pakistan ayaa isaguna sheegay inay tix-gelinayaan codsi uga yimid Sucuudiga oo lagu doonayo in ciidammo dalkaasi ka socda ay ka qayb-qaataan howlgalka ka dhanka ah Xuuthiyiinta Yemen.

Waddamo ka mid ah kuwa Islaamka ayaa dalbanaya inay howlgalka qaybtooda ka qaataan howlgalka ka dhanka ah mucaaradka Yemen, inkastoo aan la bixin jawaab ku aadan in laga aqbalay iyo in kale.

Xukuumadda Riyaad ayaa sheegtay inay diyaarisay 150,000 oo askari iyo 100 ka mid ah diyaaradaheeda dagaalka si ay howlgalka ka dhanka ah Xuuthiyiinta Yemen u fuliyaan.

Ugu dambeyn, duqeymihii Sucuudiga ay ka geysteen Yemen ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen 13-qof oo shacab ah, kuwaasoo ay ku jireen carruur iyo haween, waxaana howlgalkan uu imaanayaa xilli mucaaradka Yemen ay is-ballaarin ku jiraan.

Tan iyo dhammaadkii sannadkii hore dalka Yemen waxaa ka socday dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo kooxaha mucaaradka ah, iyadoo ay kooxaha Shiicada ah ay la wareegeen deegaanno badan oo ay ku jirto caasimadda dalkaas ee Sanca.

Duqeyntii_Yemen_Xuuthiyiinta_Maanta