Xukuumadda Soomaaliya oo Hanjabaad u Dirtay Maamulka Somaliland….

0
261

Wasiirka dekedaha dowladda Soomaaliya, Nuur Faarax oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay dekedda Magaalada Berbera oo dhawaan Maamulka Somaliland ku wareejiyay shirkad ajnabi ah oo maamuli doonta.

Nuur Faarax ayaa Somaliland uga digay in dekedda maal-gelin shisheeye lagu sameyo isagoo dekedda Berbera ku tilmaamay mid laf-dhabar u ah dhaqaalaha iyo deegenaanshaha Somaliland;

Sidoo kale, wasiirka dekedaha xukuumadda Somalia waxa uu Maamulka Somaliland ugu han-jabay inay sharciga la tiigsan doonaan shirkadaha isku-dayaya inay la wareegaan dekedda magaalada Berbera.

Hadlka wasiirka dekadaha xukuumada soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horreyay ee uu wasiirku u jeediyo Somaliland, iyadoo weli aysan ka jawaabin Somaliland eedda iyo digniinta kasoo yeertay xukuumadda Soomaaliya.