Yurub oo Lagu Eedeeyay Dhimashada Tahriibayaasha

0
299

Midowga Yurub oo Lagu Eedeeyay in dayaceen Muhaajiriinta naftooda ku haligaya inta u dhaxeysa Yurub iyo Afrika.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga waxaa uu sheegay in arinkan Tahriibka aan waxba laga qaban Karin.

EU ayaa siweyn u yareysay howlaheeda badbaadinta, taas oo ay sheegayaan in ay ku doonayaan sidii ay u yareyn lahaayeen muhaajiriinta sharcidarada ah ee badda ka gudbaya.

Laakiin dadka badda isku biimeynaya tiradooda ayaa aad usii kordheysa, waxaana maalinkastaa la badbaadiyaa boqollaal qof sida ay sheegtay hay’adda MSF.

Qaar ka mid ah dadka ka badbaaday doonta Doonta ku quustay badda ee ay ku dhinteen ku dhowaad 400 oo qof ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida loogu gurmaday.

Hay’adaha gargaarka waxa ay sheegayaan inaan si wanaagsan wax looga qaban badbaadinta tirada dadka sii kordhaya ee doonaya inay Yurub galaan.

Illaa 20,000 oo qof oo ka cararaya colaad iyo faqri ayaa sanadkan halis u geliyay naftooda si ay u gaaraan taliyaaniga. Taas oo lamid ah sanadkii 2014kii oo la diiwaan geliyay in 170,000 oo qof ay gaareen xeebaha Taliyaaniga.

Qiyaastii 10,000 oo qof ayaa dhowrkii maalin ee la soo dhaafay la badbaadiyay, iyadoo weli doomo kale ay ku wajahan yihiin Taliyaaniga.

In kabadan 500 oo qof ayaa tan iyo bilowgii sanadkan ku dhimatay badda, taas oo 30 jeer ka badan dadkii ku dhintay badda 4tii bile e ugu horeysay sanadkii 2014kii.