Zlatan Oo Siweyn Loo Hadal Haayo Inuu MSL-ka Mareekanka U Dhaqaaqi Doono Dhawaan

0
370

 

Weeraryahanka naadiga Zlatan Ibrahimovic ayaa la hadal hayaa inuu isaga tagi doono horyaalka France si u kaga shaqo galo MSL-ka dalka Mareekanka.

Zlatan oo sidoo kale lala xariirinaayo kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa qaati ka taagan sida ay ula dhaqmaan xiriirka horyaalka kubada cagta France iyo dadka magaalada Paris ku nool wuxuuna doonayaa inuu xagaagan gabi ahaanba France isaga guuro.

Wargeys kasoo baxo dalka Sweden ayaa sheegay in Zlatan Ibrahimovic uu 19-bisha Maarso ee aan kasoo gudubnay uu xidigan safaarafada dalka Mareekanka ee ku taalo Paris ka dabaday Visa ama dal ku gal wuxuuna doonayaa inuu xagaagan Waqooyiga Ameerika u hayaamo.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay inuu Zlatan dalbaday Visa qaxooti balse uusan dalbanin Visa dalxiis wuxuuna doonayaa inuu sanado badan dalka Mareekanka ku noolaado.

Sidoo kalena qorshihiisa wuxuu yahay inuu ku biiro mid ka mid ah kooxahan ugu caansan dalka Mareekanka inkastoo aan weli la sheegin naadi gaar ah oo uu haatan wada hadalo la wado

Madaama Zlatan Ibrahimovic uu yahay nin qalifsan la yaab ma ahan hadii uu go’aankan qaato waxayna u badan tahay inuu mustaqbalkiisa cayaareed kusoo gaba gabeeyo MSL-ka dalka Mareekanka.

Ibra