20 qof oo lagu dilay dagaal ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

0
247

Ugu yaraan 20 qof ayaa la soo sheegayaa in ay ku dhinteen, tiro kalana ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay xadka u dhexeeyo gobolka Galgaduud, iyo Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Dagaalka oo mas’uuliyiinta ku tilmaameen in uu u dhexeeyo ciidamo daacad u ah maamulka Deegaanka Soomaalida iyo dad reer miyi ah ayaa ka dhacay tuulooyinka Qeydo iyo Isma-Dhaqdo oo xadka ku yaalla.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa sheegay in ciidamadu ku soo duuleen deegaannadaas, dagaalkuna uu socday ilaa Talaadadii.

Cirfo ayaa sheegay in ay isku dayayaan, iyagoo kaashanayo dowladda federaalka ee Soomaaliya sidii dagaalka loo joojin lahaa, isagoo ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh in ay is-xakameeyaan.

Dad ku dhaawacmay dagaalka ayaa la geeyey isbitaalka Istarliin ee Guriceel.

Ma jiraan warar madaxa bannaan oo xaqiijinayo cidda uu u dhexeeyo dagaalka iyo  sababaha dhaliyey.