Abaan Duulaha Ciidamada Dowlada Soomaaliya Oo Si Kulul Ugu Hadlay Werarkii Ka Dhacay Awdheegle iyo Mubaarak

0
261

Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka, ayaa ka warbixiyay weerarkii ay Al-shabaab gudaha ugu gashay degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose; halkaasoo horay fariisin ugu ahayd ciidamada AMISOM ee garabka siiya dowladda Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay inay ciidamada dowladda ka hortageen weerarka ayna Al-shabaab dib ugu celiyeen deegaanka Toora-tooroow oo uu sheegay inay kasoo duuleen marrkii hore..

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ayaa intaas ku daray in ciidanka dowladda ay gacanta ku hayaan degmooyinka Awdheegle iyo Mubaarak oo shalay ay gudaha u galeen xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidamada xoogga dalka ayaa ugu dambeyn sheegay in AMISOM iyo ciidamada dowladda ay wadaan qorshayaal ay ku weerarayaan goobaha ay weli ku sugan tahay Al-shabaab inkastoo uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee howlgalka ay billaabayaan.

Hadalka abaanduulaha ayaa imaanaya xilli Al-shabaab ay shalay gudaha u gashay Aw-dheegle iyo Mubaarak, kaddib markii ay isaga carareen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa degmooyinkaas, iyadoo aysan jirin khasaare shacabka soo gaaray.