Ahlusunna Oo Ka Hadashay Xariga Idacadda Radio Galgaduud.

0
112

Xili Shalay Ciidamada Ahlusunna ee Magaalada Gurceel ay Xireen Idaacada Radio Galgaduud faraceeda Magaalada Gurceel ayaa waxaa ka warbixiyay Xariga Idaacadaasi Saraakiisha Ahlusunna.

Galad Maxamuud Qeyre oo ah Taliyaha Saldhiga  Magaalada Gurceel ayaa warbahinta u sheegay in Idaacada loo xiray Tabinta iyo buubuuninta Wararka Dowladda Soomaaliya iyo Shirka ka socda Magaalada Cadaado ee Maamulka loogu dhisayo Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay Idaacada aysan baahin Wararka Mamaulka Ahlusunna ee gacanta ku haya Magaalada Gurceel.

Dhanka kale Ururka Suxuufiyiinta Soomaaliyeed ee Nusoj  ayaa Cambaareeyay Xariga Idaacada,waxaana ay Ahlusunna ugu baaqeen in ay siideyso Idaacada oo ah mid Madaxbanaan oo si isku mid ah Bulshada ugu shaqeysa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here