Allaha Unaxariiste Waxaa Maana Magaalada Muqdisho Lagu Aasay Abwaan Nidaamiye Daawo {SAWIRADA}

0
322

Allaha u naxariistee Abwaan Maxamed Cumar Nuur Nidaamiye oo ka mid ahaa bahda fanka Soomaaliyeed mudo dheer ku jiray howlaha fanka islamarkaana shalay geeriyooday ayaa goor dhow lagu aasay magaalada Muqdisho.

Abwaanka oo lagu aasay Qabuuro ku yaala Isbitaal Madiina, ayaa waxaa ka qeyb galay aaskiisa Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska  Maxamuud Cabdi  Xasan Beekoos, agaasimaha Guud C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi, Qaar ka mid ah howlwadeenada wasaaradda, iyo dad kale.

Mas’uuliyiintii ka qeyb galay aaska ayaa Allaha u naxariistee Abwaan Nidaamiye Alle uga baryay in janatul fardowsa uu ka waraabiyo.

Abwaanka Maxamed Cumar Nuur Nidaamiye ayaa waxaa si weyn loogu xasuustaa heesaha kale duwan ee uu Alifay sida kuwa wadaniga ,jaceylka ,iyadoo  sidoo kale uu laxameyn jiray heesaha waxaana uu ka tirsanaa bahda warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Abwaan Nidaamiye allaha u naxariistee waxaa uu ahaa ciidan markiisii hore waliba ciidamadii ugu horeeyay ee Soomaaliya yeelato ee Cali boodaaye ayuu ka mid ahaa waxaa uu sameeeyay heeso badan dhankaa iyo gobolka baay ayuu u badnaa heesaha uu sameeeyay waxaa ka mid ahaa heesta Baydhabo iyo heeso kale.

MEEYD4 MEEYD1 MEEYD2