Barcelona oo u soo gudubtay Finalka Champions League, kadib markii 5-3 farqiga goolasha ku soo baxday

0
236

Kooxda Barcelona ayaa u soo baxday Finalka Champions League, kadib markii isku darka labadii kulan ee Sema Finalka ay ku soo gudubtay 5-3.

Bayern Munich oo lagu ciyaarayay garoonkeeda ayaana 3-2 is araga labaad ku badisay, inkastoo labada gool looga dhaliyay garoonkeeda ay dishay.

Ciyaaryahan Benatia ayaa daqiiqadii 7aad hogaanka u dhiibay Bayern Munich, kadib markii kubad madax ah uu ku dhaliyay.

Balse goolka oo ahaa mid waxooga niyad geliyay Bayern Munich, si ay goolal kale u dhaliyaan, ayaana taasi dhicin, waxaana daqiiqadii 15aad gool uga naxsaday ciyaaryahan Neymar oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Goolka Neymar ayaa Bayern Munich rajadeeda u soo bixida Finalka ceel ku sii riday, waxaana ka sii darnaa markii Neymar uu gool labaad oo aad u qurux badnaa uu ka dhaliyay goolhaye Neuer, markii uu baas fiican ka helay Suarez.

Neymar ayaana goolkaas u ahaa kii saddexaad ee uu Neuer ka dhaliyay labadii kulan ee Sema Finalka, waxaana ciyaarta ay noqotay 2-1 oo ay Barcelona ku hogaamineysay.

Bayern Munich ayaana xaalka ku sii xumaaday, waxaana natiijada 2-1 ee ciyaarta mareysay ay ka dhigneyd inay dhaliso shan gool, si ay farqiga goolasha ugu soo baxdo, balse taas ma aanay dhicin.

Qeybta labaad ayaa markii la isku soo laabtay waxaa goolka labaad Bayern Munich u dhaliyay Lewandowsky, oo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Ciyaaryahan Muller ayaa ciyaarta ka dhigay 3-2 oo sharafta Bayern Munich ee garoonkooda soo celiyay, laakiin natiijadooda u soo bixida Finalka uguma filneyn goolkaas.

Bayern Munich ayaana ciyaar ka wanaagsaneyd tii garoonka Camp Nou soo bandhigtay, waxayna inta badan maamulayeen kubadda qeybta labaad oo ay la soo baxeen kubad isku dhiib dhiib leh.

Sidaas darteed Bayern Munich guusheeda garoonkeeda ma aanu u suura gelin inay ku soo baxaan Finalka, waayo 2-da gool ee uu dhaliyay Neymar ayaa meesha ka saaray hadii xataa sagaashankii daqiiqo ay ku dhamaan laheyd 3-0, isla markaana waqti dheeri ah lagu dari lahaa, maadaama Barcelona ay 3-0 is aragtii hore garoonkeeda ku soo badisay.

Tababare Pep Guardiola oo horay macalin ugu ahaa Barcelona ayaana u arkayay guusha uu garoonkiisa ku gaaray mid sharaf ah oo aanay Barcelona is arag labaad ka badin.

Bayern Munich ayaa labo sano ka hor 7-0 ku reebtay Barcelona, labadii is arag ee Sema Finalka oo ay ku kala badisay garoonkeeda iyo garoonka Barcelona.

Ugu dambeyn Barcelona ayaa ku soo baxday 5-3 isku darka goolasha labada is arag ee Sema Finalka, oo ay magaalada Berlin kula ciyaari doonto bisha June ee soo socota kooxdii soo baxda habeen dambe Real Madrid iyo Juventus, iyadoo Juve is aragii hore 2-1 gurigeeda ku sii badisay.

Real Madrid ayaa laga doonayaa inay 1-0 ku soo badiso ama goolal ka badan, maadaama garoonka Juve ay gool ku soo dhalisay, sidoo kale Juventus ayaa iyana rajadeeda Finalka ku xiran tahay ugu yaraan bar bar dhac ama inay sii badiso.

By C/casiis Golf

barca (1) barca (2) barca (3) barca (4) barca (5) barca (6) barca (7) barca (8) barca (9) barca (10)