Booliska Kenya oo sheegay inay gacanta ku dhigeen nin Al-Shabaab ka taageerayay dhaqaalaha

0
257

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca dhaqaalaha iyo qorista dhalinyara ku soo biiraya.

Taliyaha CiidamadaBooliska Mombasa Robert Kitur ayaa sheegay in ninkan oo 45-jir ah oo lagu magacaabo Cabdalla Saalim Bindo uu Al-Shabaab ka caawin jiray dhaqaalaha.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ninkan uu Al-Shabaab dhalinyarada ugu qori jiray Gobolka Xeebta ah, gaar ahaan deegaanada Likoni iyo Kwali.

Taliyaha ayaa sheegay in ninkan ay su’aalo weydiinayaan ciidamada dambi baaristan, waxaana uu tilmaamay inay ka qabteen maqaayad ku taala Mombasa.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa tan iyo weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee bishii hore kordhiyay howl galada, iyadoo shalay Wasaaradda Amniga Kenya ay muddo bil ku dartay Bandawgii ay saartay Gobolka waqooyi bari.