Ciidamada AMISOM oo dib ugu Noqotay deeganadii Sh.hoose ee ay baneeyeen

0
255

Ciidamada Amisom ayaa dib ugu noqday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose oo dhawaan isaga soo baxeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.

C/qaadir Siidii wuxuu sheegay in ciidamada Amisom ay tageen dhamaan deeganadii ay kasoo baxeen ee Shabeellaha hoose, wuxuuna intaasi raaciyay inaysan dib dambe uga soo bixi doonin ciidamada Amisom deeganadasi.

Ciidamada ayaa waxa ay ku noqdeen deeganada Mubaarak iyo Awdheegle oo horay ay uga baxeen, markii ay ka baxeena ay Shabaab qabsadeen inkastoo Shabaabka qudhooda ay ka baxeen halkaasi.

Siidii ayaa sheegaya in Amisom furunta hore ay fadhiyaan oo aysan jirin ciidamo kale oo ka horeeya sida uu yiri.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” ayaa sheegay in qorshaha uu yahay sidii Shabaabka Gobolka looga saari lahaa, maadaama Madaxweynaha uu u tagay ciidamada islamarkaana uu si wanaagsan u dhiirageliyay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay tagay deeganada Mubaarak, Awdheegle, Laanta Buuro iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaasi Shabellaha hoose, si uu u soo dhiirageliyo ciidamada halkaasi dhibaatada ku soo gaartay.

amisom