Ciidamada Kenya oo Xabsiga dhigay Macalimiin ay ku Eedeyen Basaasiin Al-shabaab

0
221

Ciidamada Booliiska Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 16 wadaad oo ka mid ah culummada muslimiinta Kenya ee dadka wacdiya, kuwaasoo laga qab-qabtay masaajid ku yaalla deegaanka Marsabit ee dalka Kenya.

Taliyaha Booliiska deegaanka Marsabit, Mark Wanjala ayaa Sheegay inay uga shakiyeen wadaadada ay xireen inay basaasiin u yihiin Al-shabaab, isagoo xusay ay ku xiran yihiin saldhigga Karare.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in wadaaddadan Muslimiinta ah ay saddex casho ka hor soo gaareen deegaanka, ayna yihiin kuwo aan deegaanka laga aqoonin, taasna ay keentay inay shaki awgeed u xiraan.

Wadaadadan ayaa la xiray gellinkii dambe ee shalay oo Khamiis ahayd, iyadoo la sheegay inay ka kala yimaadeen Eastleigh (Islii) oo Nairobi ka tirsan, Marsabit, Sololo, Moyale iyo Isiolo.

Sidoo kale, warar ay baahiyeen warbaahinta Kenya ayaa lagu sheegaya in tuhmanayaasha muslimiinta ah ee la xiray loo wareejin doono xarunta la-dagaalanka booliiska dalka Kenya oo ku taalla magaalada Nairobi.

Xariggan ayaa kusoo beegmaya xilli booliiska dalka Kenya ay kordhinteen howlgallada ay ku beegsanayaan xubnaha uga shakiyaan inay Al-shabaab xiriirka la leeyihiin ee Kenya ku sugan tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay 148-qof.