Ciidamada Soomaalilan Oo Isga Baxday Degmada Taleex Kadib Markii ay…..

0
480

Ciidamada Somaliland ayaa maanta isaga baxay degmada Taleex ee Gobolka Sool oo ay muddooyinkii dambe fariisimo ku lahaayeen.

Mid kamid ah dadka ku nool Taleex ayaa Warbaahinta u shegay in ciidamadu ay ka guureen fariisimadii ay ku lahaayeen dhinacyada magaalada, isagoo aan sheegin halka ay aadeen.

Shan casho ka hora ayay mas’uuliyiin uu horkacayo wasiirka Macdanta Somaliland ay ka yimaadeen; iyagoo aan wax guul ah ka gaarin soo af-jaridda dagaallo beelo wada-deggen degmadaas dhexmartay; taasoo ahayd sababtii ciidanka Somaliland u galeen degmadaas,

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan Taleex, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan inay tahay mid ku timid khilaafyo u dhexeeya maamullada Somaliland iyo Puntland oo sii xoogaysanayay;

Waxaase La ogeyn halka ay aadeen ciidamada Somaliland, laakiinse xiriir ay HOL la samaynay tuulooyin ay ka mid yihiin; Kacad, Laas-curdan, Carooley iyo kuwo kale ayaa sheegaya in dhinaca degmada Xuddun ay u jiheysteen.

Maalmihii ugu dambeyay maamulka Khaatumo ayaa isna Olole ciidan kawada Buuraleyda ku dhow degmada Taleex iyadoo xubno golaha wasiirrada maamulkaas ay ku sugan yihiin degaan u jira 25-KM Sida uu HOL u Sheegay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Khaatumo, Faysal Falaalug.