Daacish Oo Qabsatay Xarumaha Muhiimka Ah Ee Magaalada Ramadi Ee Dalka Ciraaq

0
244

Xoogaga dowladda Islaamiga ee Daacish ayaa qabsaday dhismayaasha dowladda ee magaalada Ramadi ee ah caasimada Gobolka ugu weyn anbar ee dalkaasi ciraaq.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Daacish ay weeraro is qarxin oo ilaa lix gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay u isticmaaleen weerarka xarumaha dowladda oo ay ku jirto xarunta Booliska

Ugu yaraan 50 askari ayaa la soo wariyay in maxaabiis ahaan gacanta loogu dhigo, iyadoo dagaalo culus ay qeybo ka mid ah magaalada ka dhacayeen

Wararka ayaa intaa ku daray in calanka madow ee Daacish laga dul taagay dhismayaasha dowladda, waxaana la sheegayaa in tobanaan askari ay ku dhinteen weerarka dalka ciraaq.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii dowladda Islaamiga ay soo bandhigay cajalad maqal ah oo uu duubay Hogaamiyaha Khilaafada Abuubakar Al-Baqdadi, kaasoo horay dowladda Ciraaq sheegtay inuu si xun ugu dhaawacmay duqeymo ay fuliyeen Isbaheysiga

Daacish iyo Ciidamada Ciraaq ayaa bilihii la soo dhaafay ku dagaalamayay gacan ku heynta Gobolka Muhiimka ah ee Anbar.