Daacish oo si buuxda gacanta ugu dhigtay magaalada Ramadi

0
302

Xoogaga dowladda Islaamiga ama Daacish ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Ramadi oo ka tirsan gobolka ugu weyn Ciraaq ee Anbar.

Dagaalo muddooyinkii u dambeeyay ka socday magaaladaas, ayaa ugu dambeyn sababay in ciidamada dowladda Ciraaq ay dib u gurasho ka sameeyaan magaalada.

Xoogaga Daacish ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay xoojiyay dagaalada ay ka wadeen Ramadi, waxaana jimcihii ay aheyd markii weeraro culus oo loo adeegsaday gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku qabsadeen xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

Booliska iyo Milateriga Ciraaq ayaa wajahayay dagaalo is xig xigay oo kaga imaanayay Daacish, waxaana ay isaga baxeen difaacyadoodii, waxaana ay u yara durgeen dhanka wadada aada magaalada Baqdad.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka Mareykanka Maureen Schumann ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ka bixitaanka Ciidamada Ciraaq ee magaalada Ramadi, isagoo sheegay inay tahay xilli hore, isla markaana laga hadli xaalada sida ay tahay, isagoo xusay in wali magaalada lagu loolamayo.

Magaalada Ramadi ayaa 112-km dhanka galbeed ka xigta magaalada Baqdaad ee Caasimada Ciraaq.