{DAAWA SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Safiirada Britain iyo Sweden

0
332

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta si gooni-gooni ah ugala hadlay danjirayaasha dalalka Britain iyo Sweden u fadhiya Somalia, Mr Neil Wigan iyo Mikael Lindvall.

Xasan Sheekh ayaa danjiraha Britain kala hadlay horumarka siyaasadeed ee dhowaan lagu talaabsaday, sida dhismaha guddiyada madaxa-bannaan ee doorashooyinka, xuduudaha iyo federaalka iyo Adeegga Garsoorka, kuwaas oo uu sheegay inay dar-dargelin doonaan barnaamijyada Hiigsiga 2016-ka.

Deanjiraha Britain, Wigan ayaa madaxweynaha soo gaarsiiyay fariin uu uga siday ra’iisul wasaare, David Cameron oo ah in boqortooyada UK ay weli ku taagan tahay siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya ee ku saleysan iskaashi, taageero iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Wigan ayaa intaas ku daray in xukuumadda Britain ay dhaqaale ku taageereyso dhismaha iyo dib u dhiska ciidamada xooogga Somalia, isla markaana ay diyaar u tahay inay gacan taa la mid ah ka geysato dib u dhiska Booliiska Somalia.

Geesta kale madaxweyne Xasan ayaa kulan la yeeshay safiirka Sweden, Mikael Lindvall isagoo kala hadlay horumarka siyaasadda Somalia, hawlaha la xiriira dib u dhiska ciidamada iyo taageerada Beesha Caalamka siineyso Soomaaliya.

Danjire Lindvall ayaa soo dhaweeyay ansixintii golaha wasiirrada Somalia ee guddiyada madaxa-bannaan ee doorashada, Adeegga Garsoorka iyo Xudduudaha, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay taageerayso guddiyadaasi ay howlahooda si hufan ugu fuliyaan.

Safiiro

Safiiro. 1jpg Safiiro. 2jpg Safiiro. 3jpg Safiiro. 4jpg kulanka madaxda 1