{DAAWO SAWIRADA} 23-sano kadib Xulka qaranka Soomaaliya ayaa barbaro 1-1 la galay Xulka Rwanda

0
517

Xulka qaranka Soomaaliya ee 23-sano jirrada ayaa barbaro 1-1 la galay dhiggooda Rwanda oo marti ugu hayd waddanka Jabuuti, ciyaartan oo ahayd lugta labaad ee isreeb-reebka CAF U23 Championship.

Lugtii hore ee ka dhacday magaalada Kigali ay ku soo idlaatay 2-0 looga soo adkaatay Soomaaliya oo marti ku ahayd dalkaas, waxaana lugtii labaad ay galabta ku soo dhammaatay barbaro 1-1, sidaasna Soomaaliya ayaa uga soo hartay tartanka.

Goolka hore ayaa looga naxsaday Soomaaliya waxaana ka dhaliyey daqiiqadii 4′aad ciyaaryahanka xulka Rwanda ee lagu magacaabo Songa Isaie, sidaas ayaana lagu kala nastay 1-0 looga gacan sarreeyey Soomaaliya.

Qeybtii hore xulkeenna Soomaaliya ayaad mooday inay ka noolaayeen goolhayaha iyo dhanka daafaca kuwaasoo fursado badan ka beeniyey weeraryahannada Rwanda, laakiin markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ayaa isbedel la yimaadeen wiilasha Soomaaliya.

Isbedelka xulka Soomaaliya waxa uu yimid markii macallinku uu sameeyey bedel oo uu soo galiyey ciyaarta Xasan Sanchez iyo Cabaas, waxaana lagu kala bedelay Jabriil Xasan Fariid iyo Bile Muxuyadiin Buraale.

Goolka barbaraha waxa uu ahaa mid uu dhaliyey xiddiga kooxda Dekedda Cabaas oo ahaa bedelkii saddexaad ee uu ugu dambeeyey Soomaaliya, kaasoo daqiiqado yar isaga oo aan garoonka ku jirin keenay goolka barbaraha 75’ daqiiqo, waxaana uu ahaa laad xooggan oo uu dabamariyey goolhayana Rwanda, ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay barbaro 1-1, iyadoo Cabaas uu difaacay Calankeena Soomaaliya.

Natiijadaan ayaa ka dhigeysa in xulka Rwanda ay ugu gudbayaan wareegga xiga ee isreeb-reebka, iyagoo ku beegmaya xulka Uganda, waxaana labadan xul kii soo gudba uu meel ku sii sugayo xulka Egypt ama Masar.

20150510_180511 20150510_180518 20150510_180530 20150510_180828 20150510_180903 20150510_180911 20150510_180930 20150510_180933 20150510_180937