{DAAWO SAWIRADA} Dorashada Dalka Ethopia Oo Tirinta Codadka Meel Wanaagsan Maraysa.

0
436

Waxaa albaabada loo soo xiray inta badan xarumaha codbixinta doorashada guud ee dalka Itoobiya, inkasta oo meelaha qaar ay maanta furanyihiin.

Wali waxaa socota tirinta codadkii la dhiibtay, gudiga doorashada ee dalkaasi ayaa sheegay in ay codkooda dhiibteen sideetan boqolkiiba dadkii horay isu diiwaangaliyay.

Malaayiin Itoobiyaan ah ayaa cododkooda ka dhiibtay doorashadan oo ah tii u horaysay ee guud tan iyo intii uu geeriyooday hogaamiyahoodii mudada dheer talada hayay ee Males Zenawi.

Wariyaasha waxaa aay ku soo waramayaan magaalada Adhis Ababa waxa uu sheegay in dadku ay fiilooyin dhaadheer ugu jiraan goobo badan oo codka laga dhiibanayo.

Rai’sal wasaarihii Males, badalay Xaylemaryan Dhesaalayn, ayaa la filayaa in uu guul wayn gaaro.

Xisbigiisa EPRDF ayaa talada hayay tan iyo 1991, Laakiin mucaaradku waxa ay leeyihiin xoriyad la’aanta saxaafadda ayaa ka dhigan in aysan kolna doorashadu noqonaynin mid xalaal ah oo si xor ah u dhacda.

Bekele Nagaam, oo u sharaxan xisbiga ugu wayn mucaaradka ee Medrek, ayaa sheegay in goobaha qaar dadka lagu qasbay in ay dawladda u codeeyaan.

Gudiga doorashada ayaa sheegay in ay isdiiwaan galiyeen ku dhawaad 3 milyan.

Magaalada qabri bayax waa deegaankii xildhibaan ahaan looga soo doortay Madaxwaynaha Deeganaa Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, oo ay xildhibaanadada deegaankuna ay madaxwaynenimo u sii doorteen.

codaad 2 coodaadka qaxootiga