{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Soomaaliya Oo Heshiis La Gashay Shirkad Laga Leyahay Turkiga

0
331

Dowladda Soomaaliya ayaa shan iyo labaatan sana kadib soo rogtay in tayo baaris lagu sameeyo badeecooyinka dalka la keenayo iyo kuwa dibadda loo dhoofinayo kaddib markii maanta la dhameystiray heshiis ay Wasaaradda ganacsiga & Warshadaha ay la gashay Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku xeeldheer tayo-baarista.

Waxaa heshiiska dhanka Wasaaradda u xasiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacisga & Warshadaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan, halka shirkadda PGM uu u saxiixay Gudoomiyaha Guddiga Maamula Dr. Arif Canacik, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga Mudane Khaalid Cumar Cali iyo Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgan Bekar.

Wasiir C/raxmaan ayaa saxiixa heshiiskan kadib la hadlay warbaahinta isaga oo sheegay muhiimadda ay leedahay in la baaro tayada badeecooyinka kala geddisan ee dalka soo gala iyo kuwa laga dhoofiyo.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay go’antahay sidii ay uga qeybqaadan lahayd dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada ay dowladda Soomaaliya u qabato shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu soo dhaweeyay heshiiska oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid laba dalba faa’iido u leh.

Shirkadda PGM ayaa ah shirkad caalami ah oo xafiisyo ku leh dalal badan oo caalamka ah, saldhiggeeduna yahay dalka Turkiga. Waxa ay sidoo kale baaritana ku sameysaa dhamaan waxyaabaha la geeyo iyo kuwa laga soo dhoofiyo dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda markii ay soo dhamaatay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliga Danjire Olgan Bekar iyo wafdiga la socday, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya dhankeeda ay diyaar u tahay sidii looga mira dhalin lahaa heshiiskan iyo kuwii ka horreeyayba.

Wasaarada Ganacsiga.1JPG Wasaarada Ganacsiga.2JPG Wasaarada Ganacsiga.4JPG Wasaarada Ganacsiga