{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Somalia Oo Maanta Soo Bandhigtay Qiyaasta Tira koobka Shacabka Soomaaliyeed

0
311

Munaasabad lagu soo bandhigay Tira koobka Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu Qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo Xafladdaan ay soo qaban-qaabisay Wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo natiijadan lagu sheegay sahanka Qiyaas ah oo lagu saleeyay 18-ka gobol ee Soomaaliya ay ka koobnayd ka hor sannadkii 1991-kii.

Xafladda ayaa waxaa ku sugnaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte Qaalib, Wasiirka Qorshaynta, C/raxmaan Caynte Wasiir-ku-xigeenno, Xildhibaanno iyo Marti sharaf kale.

Sahankan oo ay samaysay Wasaaradda Qorshaynta intii u dhexeysay 2013-kii iyo 2014-kii ayaa lagu sheegay in Qiyaasta dadka Soomaaliyeed ay yihiin; 12,316,895 (Laba iyo Toban Milyan, Saddex Boqol & Lix iyo Tobaatan Kun, Sideed Boqol & Sagaashan & Shan Qof).

Wasiirka Qosheynta Soomaaliya , C/raxmaan Caynte ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee maanta lasoo bandhigay tiradooda ay 5% yihiin Rag, halka 75% ay yihiin kuwo ay 30-sano ka yar tahay da’dooda, 10% ay yihiin Barakacayaal, 26% ay yihiin Reer Miyi, iyadoo tira koobkan aysan ku jirin Soomaalida Qurbaha ku maqan.

Gobollada ay ku Nool yihiin Dadka ugu Tirada badan ayaa lagu kala Sheegay inay yihiin shan gobol oo kala ah; Banaadir, Waqooyi Galbeed, Shabeelaha Hoose, Bay iyo Tagdheer. Halka Shanta Gobol ee ugu dadka yar ay yihiin; Sool, Jubadda dhexe, Bakool, Nugaal iyo Jubbada Hoose.

Mas’uuliyiinta Xukuumadda Somalia ayaa xusay in tirakoobkan lagu saleyn doono dajinta miisaaniyadda dalka, Qorista shaqaalaha dowladda  Somalia, ciidamada iyo sida gobollada kala duwan ee dalka loo kala geynayo shaqaalaha dowladda.

Agaasimaha waaxda cilmi-baarista iyo tira-koobka ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Cilmi ayaa sharaxay Qaabka loo sameeyay Sahankan Qiyaasta ah ee tirade Dadka Soomaliyeed,

Prof. C/llaahi Sheekh Cali (Qaloocow) oo ah wasiir-ku-xigeenka wasaaradda ayaa sheegay in tiradan lasoo bandhigay ay tahay qiyaas, ayna tahay muhiim in maanta la hayo qiyaasta tirada dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soalia C/raxmaan Yusuuf Cali Ceyte oo ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay in Qiyaastan lagu sameeyay tirada dadka Soomaaliyeed aan lagu saleyn siyaasad, balse ay tahay mid lagu saleeyay Cilmi.

Caynte ayaa hadalkiisa ku daray in ururinta tira-koobkan lasoo bandhigay uu yahay mid ay kawada Qayb-qaateen maamullada dalka ka jira iyo weliba hay’adaha samafalka, isagoo ku sheegay hadalkiisa inuusan ahayn mid ay iyagu uun iska sameysteen.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo isaguna ka hadlay munaasabadda ayaa xusay inay tahay wax lagu farxo in maanta la helo Xogta tirada dadka Soomaaliyeed la xariirta, ayna sahlayso in sannadka 2016-ka la qabto doorashooyin.

Ugu dambeyn, tira-koobkii ugu dambeeyay ee Somalia laga Sameeyay Sannadkii 1975-kii ayaa lagu sheegay in tirada dadka Soomaaliyeed ay tahay 8-Milyan, iyadoo Tira-koobkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo lasoo bandhigo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

xukumada oo shacisay tirada dadka soomaalia ku nool (1) xukumada oo shacisay tirada dadka soomaalia ku nool (2) xukumada oo shacisay tirada dadka soomaalia ku nool (3) xukumada oo shacisay tirada dadka soomaalia ku nool (4) xukumada oo shacisay tirada dadka soomaalia ku nool (5) xukumada oo shacisay tirada dadka soomaalia ku nool (6) xukumada oo shacisay tirada dadka soomaalia ku nool (7) xukumada oo shacisay tirada dadka soomaalia ku nool (8)