{DAAWO SAWIRADA} Faah Faahin Dheraad Dagaalada Ka Soconaya Dalka Burundi

0
357

Iska horimaadyo isdaba jog ah oo xalay illaa saaka ka socday caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura ayaa wararka laga helayo waxay sheegayaan inuu ku sugan yahay madaxweyaha dalkaas, Pierre Nukurunziza magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda kaddib markii uu ku noqon waayay dalkiisa.

Madaxweynaha Burundi ayaa shalay dib ugu laaban waayay dalkiisa, kaddib markii uu shir kaga qeybgalay dalka Tanzania, iyadoo taliyaha ciidamada dalkaas uu ku dhawaaqeen inay xukunka ka tuureen madaxweynaha maqan.

Cadaadisyo caalami ah ayaa socda, kuwaasoo lagu doonayo in lagu soo af-jaro Qalalaasha siyaasadeed ee dalkaas ka jira, iyadoo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay lagu wado inay maanta kulamo ka yeeshaan xiisadaha ka taagan dalkaas.

Dagaallo goos-goos ah ayaa ka socdaa magaalada Bujumbura, kuwaasoo u dhexeya ciidan daacada u ah madaxweyne Pierre Nkurunzinza iyo kuwa taageersan millateriga af-gambiga ka sameeyay dalkaas.

Inta badan dagaalka wuxuu ka dhacayaa meel u dhow telefishinka Qaranka iyo Raadiyaha dowladda taageera, kuwaasoo la sheegay inay Gacanta ku hayaan Ciidammo Daacad u ah Madaxweynaha dalkaas, iyadoo TV-gii dalkaasna uu hawada ka baxay.

Pierre Nkurunziza oo ku sugan Uganda ayaa barahiisa Buslahada lasoo geliyay gelinkii hore ee maanta inuu isku-dayga Af-gambi ahaa mid qiyaali ah, isagoo ku goodiyay in kuwa isku-dayga afgambi sameeyay sharciga la horkeeni doono.

Wadooyinka magaalada Bujumbura ayaa saaka cidlo ah, mana muuqdaan calaamado la mid ah kuwii shalay ee dabaal-daga ahaa iyo isku soo baxyadii ay dhiganayeen Shacabka kasoo horjeeda madaxweynaha dalkaas.

Dowladda Maraykanka iyo ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay kor-meerayaan xiisadaha dalkaas ka taagan, waxayna ku baaqeen daganaansho iyo in la soo af-jaro rabshadaha.

Burundi.1jpg Burundi.2jpg Burundi.3jpg Burundi.4jpg Burundi.5jpg Burundi