{DAAWO SAWIRADA} Fatahada Jowhar Oo Sameyn Ku Yelatay Gaadiidka Iyo Carruurta Oo Bilaabay Caawinta gaadiidka soo gala ama ka baxa

0
323

Carruur da’adoodu ka yar tahay 15 sano ayaa caawiya gaadiidka soo gala ama ka baxa magaalada Jowhar kadib markii roobab iyo biyo siimow ah oo ka yimid wabiga Shabelle ay galeen inta u dhexeysa magaalada Jowhar iyo tuulada Moyko.

Carruurtan ayaa darawalada qaarkood waxa ay u taagaan xoogaa lacag ah halka darawalada qaar aysan waxba siin carruurtan. Carruurta ayaa hagta gaadiidka kana ilaalisa in ay baabuurta ku dhacaan godadka ka samaysma wadada dhexdeeda.

Howshan carruurta ayaa ah mid socotay sanadihii la soo dhaafay gaar ahaan xilliyada roobabka iyo fatahaaduhu jiraan. Carruur badan oo ku nool magaalada Jowhar ayaan haysan daryeelkii ay u baahnaayeen sida waxbarashada IWM.

wado toosiyal (1) wado toosiyal (10) wado toosiyal (9) wado toosiyal (7) wado toosiyal (6) wado toosiyal (5) wado toosiyal (8) wado toosiyal (4) wado toosiyal (3)