{DAAWO SAWIRADA} Golaha Wasiirada Oo Ka Hadlay Xaalada Khaxootiga Ka Imaanaya Yeman

0
313

Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib, shirka ayaa waxaa looga hadlay Amniga, arrimaha qaxootiga iyo ansixinta Hindise Sharciyeedka ka hortaga been xalaasashada sharci darada ah.

Wasiirka Wasarada Gaashaandhiga Cabdulqaadir Sheikh Cali Diini ayaa ugu horeyn ka warbixiyey arrimaha amniga isagoona tilmaamay in dowladu ay xoojinayso howlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab, ciidamada ku jira aagaga horana ay habeen iyo maalin u taagan yihiin difaaca dalka, iyagoona jab xun gaarsiiyey kooxaha nabad diidka oo weeraro ku soo qaaday meelo kala duwan.

Sidoo kale kulanka Golaha Wasiirada aya looga dooday hindise sharciyeedka ka hortaga been xalaalaysiga lacagaha sharci darada, sharcigaan ayaa ujeedkiisu yahay ka hortaga danbiyad ka dhashay lacagaha la xalaalaysto, iyo lacaga ay isu gudbiyaan dambiilayaasha, waxaana lacagahaas ka yimaadaan dalal shisheeye iyadoo aan la soo marsiin hay’adaha maaliyadeed ee dalka. Dood dheer ka dib golaha ayaa soo jeediyey in lagu sameeyo sharcigaan dib u eegis, waxaana iska kaashanaya Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Lataliyaha Arrimaha Sharciga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Khubaro ka socota Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirda Wasaarada Hawenka Marwo Sahro Cali Samatay oo Xubi ka ah gudiga gargaarka qaxootiga ka soo qaxaya Yeman, oo golaha uga warbixisay howsha gudigu ay qabteen ayaa sheegtay iney ku howlan yihiin samaynta siyaasad lagu dhaqayo qaxootiga oo isugu jira, dad Yemaniyiin ah, dad jinsiyado kale sita iyo Soomaali qaxooti ku ahayd Yemen oo hada u soo barakacaya dalkooda,. Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa u mahadceliyey Cabdi Cali Faarah oo ah ganacsade Soomaaliyeed kaas oo ugu deeqay markab lagu soo daad gureeyo dadka ka soo qaxaya Yemen, waxaana golahu soo jeediyey in la gudoonsiiyo ganacsadahaas shahaado sharaf.

Golaha Wasiirada.1jpg Golaha Wasiirada.2jpg Golaha Wasiirada.3jpg Golaha Wasiirada.4jpg Golaha Wasiirada