{DAAWO SAWIRADA} Howlgala Dad Lagu Soo Qabtay Oo Laga Sameyay Magaalada Muqdisho

0
389

Howlgallo ay si Wadajir ah xalay uga sameeyeen qaar ka mid ah Xaafadaha degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ciidamada nabad-sugida, booliiska iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo qabqabtay dhallinyaro lagu tuhmay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Ciidmada ayaa isku gedaamay waddooyinka xaafadihii ay baaritaanada ka fuliyeen, iyagoo guryaha mid-midu galayay si looga soo saaro dad la tuhunsanaa inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, waxaana la baarayay dadka iyo qolalka uu guryaha baarista lagu sameeyay.

Baristan ayaa ku yimid sida ay saraakiisha ciidamadu sheegeen xog ay heleen sirdoonka Qaranka, kaasoo la xiriiray in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay wadaan abaabullo ay ku doonayaan inay falal amni-darro kaga geystaan Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo la hadlay Warbaahinta ayaa shegay in howlgal-ka lagu soo qabqabtay shan ruux oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab, iyadoo lasii daayay dadkii kale ee howgalka lagu qabtay kaddib baaris lagu sameeyay si loo kala saaro.

Howlgalkan ayaa qayb ka ahaa howlgallo ay ciidamada amnigu ka wadaan Muqdisho, iyadoo xilliyadii lasoo dhaafay si aad ah loo adkeeyay Ammaanka Muqdisho, inkastoo ay dhacaan dilal ay fuliyaan xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Howlgala.2jpgHowlgala Howlgala.6jpg Howlgala.7jpg Howlgala.5jpg Howlgala.4jpg Howlgala.1jpg Howlgala.3jpg