{DAAWO SAWIRADA} Ku Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Gaaray Kismaayo

0
311

Wafdi uu hogaaminayo kuxigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Raysadhon Sanayga ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, iyadoo wafdigan ay si diiran usoo dhaweeyeen madaxweeynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

Wafdiga waxa hoolka shirarka madaxtooyada Jubbaland kulan kula qaatay madaxweeynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, waxaana markii ay kulamadu soo dhamaadeen si wadajir ah saxaafadda uga warbixiyay madaxweeynaha Jubbaland iyo kuxigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxdani ayaa waxa ay sheegeen in kulamadoodii ay uga wada hadleen arimo ay kamid yihiin sidii loo dardar gelin lahaa dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, arimaha dib u heshiisiinta iyo weliba sidii loo dhisi lahaa ciidamada qaranka Soomaaliya.

Raisadon Sanaiga Ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay horumarka ka muuqda magaalada Kismaayo, isagoo xusay in intii uu soo dhexmarayay magaalada uu ku arkay horumar baaxad leh oo dhanka dhismaha ah, waxa uuna sheegay in ay u yimaadeen sidii maamulka Jubbaland ay ugu boorin lahaayeen dardar gelinta nabadda, horumarka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

wafdi 1 wafdi 2 wafdi 3 wafdi 4 wafdi 5 wafdi 6 wafdi 7 wafdi