{DAAWO SAWIRADA} Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyed Oo Laga Xusay Magaalada Kismaayo

0
309

Xuskay 15-ka May oo ku asteeysan maalintii la aasaasay dhaqdhaqaaqii ururka dhalinyarada gobanima doonka Soomaaliyeed, kuwaasoo dalka Soomaaliya u horseeday madaxbanaanida uu maanta heeysto Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa maanta siweyn looga.

Ururka dhalinyarada Jubbaland ayaa soo qabanqaabiyay munaasibad aad u heersareeyso, taasoo ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan maamulka Jubbaland iyo weliba qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhalinyarada ayaa socod dheer kusoo maray wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, waxayna ugu danbeyntii isugu tageen xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay xafladdu ka dhaceeysay.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Jubbaland Ahmed Taqal oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay ayaa ka taariikheeyay halgankii ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL, isagoo sheegay in dhalinyaradu ay dowr muhiim ah ka qaadan karto nabadda iyo horumarka.

Dadkii xafladda kasoo qeybgalay waxaa kamid ahaa madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere), afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax, Gudoomiyaha gobolka C/rashiid Gooni, Gudoomiyaha degmada Ibraahim Max’ed Yuusuf iyo madax kale.

Shan iyo Tobanka Mey.1JPG Shan iyo Tobanka Mey.2JPG Shan iyo Tobanka Mey.3JPG Shan iyo Tobanka Mey.4JPG Shan iyo Tobanka Mey