{DAAWO SAWIRADA} Maamulka gobolka Sh/dhexe oo ka soo horjeestay tirakoobka ay soo bandhigtay wasaarada qorsheynta

0
209

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ka soo horjeestay oo ku tilmaamay mid aan sax ahayn tirakoob ay dhowaan soo bandhigtay wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga.

Shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ugu qabteen xarunta maamulka gobolka Sh/dhexe qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Sh/dhexe iyo kan Jowhar ayaa lagu sheegay in tirakoobka uu yahay mid ah waxba kama jiraan gaar ahaan tirade dadka ee lagu sheegay in ay ku nool yihiin  gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Muxumed Sugaal Cismaan guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka shabeelaha dhexe dhinaca arimaha bulshada oo goobtaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in tirada wasaarada ay ka sheegtay gobolka ay kunoolyihiin tiro kabadan magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka sidaasna lagu ogaaday barnaamijka diriseynta ee laga sameeyay.

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sh/dhexe dhinaca dib uheshiisiinta iyo Federaalka Shiikh Abuukar Xasan Cali Maqaneey oo isna shirka jaraaa,id ka hadlay ayaa sheegay in Wasaarada Qorsheynta ay ku fududaatay tirokoobka ay sheegtay gobolka Shabeelaha Dhexe iyadoo uu sheegay in deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka ay weli gacanta ugu jiraan Al-shabaab lana ogaan karin xilligaan tirada dadka kunool deegaanadaas.

Sidoo kale shirkan jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay duqa magaalada Jowhar Sh, Saalax Muudey Cali oo sheegay in aan laga run sheegin tirakoobka uuna ka codsanayo wasaarada qosheynta iyo iskaashiga caalamiga ah inay dib uga laabato oo ay tirakoob sax ah keento.

Dhowaan  ayaa  wasaarada qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ee dowlada Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysay hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay waxa ay soo bandhigeen tirakoob  laga sameeyay 18ka gobol ee dalka ka kooban yahay.

Tirakoobkan ayaa lagu sheegay in gobolka Sh/dhexe ay ku nool yihiin dad gaaraya 516.036, waxaana tirakoobkaasi kasoo horjeestay maamulada gobolada dalka oo tirakoobkaasi ku tilmaamay been abuur lagu deg degay.

Marka dib loo fiiriyo tirakoobka ayaa gobolka Sh/dhexe waxaa ka hooseeya gobolada ay ka mid yihiin Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe,Bakool,Sool iyo Nugaal.

Hase yeeshee wasaarada qorsheynta ayaa ku tilmaantay markii ay soo bandhigaysay tirakoobkan inuusan ahayn mid arrimo siyaasadeed la xiriira isla markaasna uusan ahayn mid rasmi ah.

tirakoobka (1) tirakoobka (2) tirakoobka (3) tirakob