{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galay Xuska Maalintii L Aas Aasay Ururka Midowga Afrika

0
241

Munaasabada lagu xusayay maalinta ururka Midowga Afrika oo ay kasoo wareegtay 52-sannadoodi ayaa waxa ka qayb-galay xubno uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia.

Xuska oo ayaa waxaa kaloo ka qayb-galay Danjirayaal, Taliyeyaal Ciidan iyo Marti-sharaf kale, iyadoo Xasan Sheekh uu ka jeediyay khudbad uu kaga halay doorka ururka Midowga Afrika uu ka qaatay arrimaha Soomaaliya iyo Qaaradda inteeda kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dhamaan Dalalka Qaaradda Afrika ugu hambalyeyay Munaasabaddan awgeed marna Soomaaliya ma illoobi doonto taageerada Afrika u fidiyeen Soomaaliya. Waana og-tihiin halka ay Soomaaliya ka timid iyo halka ay u jeeddo, taasina suuro-gal ma noqoteen haddii aanay ahayn taageerada buuxda ee aan ka helnay Waddamada Afrika.

Madaxweynaha Somalia ayaa dhanka kale ka hadlay Mustaqbalka Siyaasadeed ee Somalia iyo sidii loo Dhaqan-gelinayo Hiigsiga Aragtida 2016-ka oo uu sheegay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay in si buuxda loo fuliyo Barnaamijyada loo Qoondeeyay Sannadkaas.

Sidoo kale, Ergayga Midowga Afrika ee Somalia ayaa sheegay in Xuskan uu yahay mid taariikh gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama munaasabaddan oo kale 1974-kii lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo maanta ay Qaaraddu marayso heer ka wanaagsan 52-sano ka hor.

Danjire Maman Sidikou ayaa ugu dambeyn shegay in ururka Midowga Afrika uu haatan kaalimo muhiim ah ka Qaadanayo Xasilinta dalal badan oo ka mid ah kuwa Qaaradda Afrika, kuwaasoo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Munaasabad 1 Munaasabad 2 Munaasabad 3 Munaasabad 4 Munaasabad