{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya Oo Manta Ka qeyb galay Dhaarinta Taliyayaasha Cusub

0
261

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa lagu hor dhaariyay Taliyeyaasha cusub ee Ciidamada Booliska iyo Asluubta Jen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Jen Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada.

Taliyeyaasha ayaa waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay taliyeyaasha cusub, isagoo dhanka kalena kula dardaarmey inay sii laba laabaan hawshii wanaagsaneyd ee ay horey u qabteen taliyeyaashii ka horeeyay, lana yimaado qorshe amniga dalka lagu xoojinayo.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir),Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidamada iyo mas’uuliyiin kale.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dhowaan magacaabay Taliyeyaasha cusub ee Ciidamada Booliska iyo Asluubta, kuwaasoo horay xilal u soo qabtay.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed